Home Wararka Somaliya Shirarkii Madaxda dowladda iyo Maamul Gobaleedyada oo isfaham Laga soo sheegayo

Shirarkii Madaxda dowladda iyo Maamul Gobaleedyada oo isfaham Laga soo sheegayo

0

Waxaa ka soconaya magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya shirar kala duwan oo salka ku haya sidii looga qaban lahaa doorasho dalka Soomaaliya.

Kulamadan ayaa waxaa ka mid ah shir u dhaxeeyay Madaxweynayaasha Shanta Dowlad Goboleed oo xalay ku dhacay jawi is afgarad iyo isu soo dhowaansho, iyadoo lagu balamay shirar kale oo kan ugu horreeya uu berri subax ay isugu imaan doonaan, si loo xoojiyo is faham horseeda in natiijo wanaagsan ka soo baxo shirarkooda.

Waxaa caawa loo balansan yahay shirar doceedyo mid ka mid ah shirkaas oo caawa fiidkii dhici lahaa ayaa la baajiyay, kaasoo ahaa shir dhex mari lahaa Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle iyo Midowga Musharaxiinta, shirkan ayaa waxaa dib u dhigay casho sharaf uu caawa Villa Somalia ku casuumay Farmaajo saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed sida Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed.

Shirar kale ayaa la filayaa in caawa uu dhex maro Madaxweyne Qoorqoor iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana shirkan qeyb ka yahay dadaalada uu waday Qoorqoor ee ahaa kulamada uu ka soo bilowday isaga iyo Saciid Deni

Si kasta ha ahaatee waxaa socda cadaadis xoog leh oo ay wadaan beesha caalamka kaasoo ah sidii is afgarad looga gaari lahaa arrimaha la isku mari la’yahay ee hortaagan qabashada doorashada la isku raacsan yahay.

 

Ad
Previous articleXaaska Madaxweynihii Hore ee Dalka oo Nairobi ku geeriyootay
Next articleSawiro: Magaalada Cadaado ee Galmudug oo laga dhisay Mid kamid ah Masaajida ugu weyn Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here