Home Wararka Maanta Shir Xasaasi ah oo looga Hadlaayo Doorashooyinka Soomaaliya oo Maantay Muqdisho ka...

Shir Xasaasi ah oo looga Hadlaayo Doorashooyinka Soomaaliya oo Maantay Muqdisho ka Furmay(Sawiro)

0

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka furmay kulan looga tashanayo geedi socodka iyo hanaanka doorayooyinka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya kaas oo daba socda heshiiskii [GWQ]ee May 2023.

Kulankaan waxaa goob joog u ahaa heerarka kala duwan ee dowladda, Ururrada Siyaasadda iyo bulshada rayidka ah kuwaas oo dhammaantood laga doonayo inay aragti ku biiriyaan arimaha la xariira doorashooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Ahmed Moallim Fiqi, oo kulankaan ka hadlay ayaa kaqeybgalayaasha ku booriyay inay wax ku biiriyaan wadatashiga ku aadan qaabka doorasho ee dalka la doonayo ee ah in la gaar siiyo qof iyo cod si bulshada u dareemaan in awoodoodii loo soo celiyey

Ugu dembayntii Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa la dardaarmay madaxda iyo umadda Soomaaliyeed in laga fogaado isku dhacyada la xiriira doorashooyinka, lana ilaaliyo xilliyada dastuuriga ah ee lagu heshiiyo.

 

Ad
Previous articleXog ku saabsan kulanka aan la shaacin ee dhexmaray Xasan Sheekh iyo Laftagareen
Next articleLafta-gareen Wasiirka Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo maanta gaaray magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here