Home Wararka Maanta Shir Looga hadlayay Bixitaanka Ciidamada AMISOM oo Muqdisho ka furmay

Shir Looga hadlayay Bixitaanka Ciidamada AMISOM oo Muqdisho ka furmay

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Muqdisho shir uga furay Guddi Farsamo oo ka kala Socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Guddigaan ayaa si wadajir ah uga soo shaqeyn doona diyaarinta qorshe howleed ku qotoma sidii Dowladda Soomaaliya ay ula wareegi leheed Amniga Guud ee Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in guddigaan uu ka shaqeyn doono sidii sanadka 2022-ka ay AMISOM ammaanka dalka ugu wareejin laheyd ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Guddigaan ayaa seddaxda bilood ee soo socota soo diyaarin doona warbixin ku saabsan la wareegitaanka amniga qaranka ee ciidamada qaranka Soomaaliya, taas oo loo gudbin doono Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Ugu dambeyntii wasiirku waxuu sheegay in guddigaan garabka ka socda dowladda Soomaaliya laga soo kala xulay wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga, arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleWasaaradda Amniga Soomaaliya oo amray in Banaanbax ay dhigaan Qoyska ikraan Tahliil Faarax
Next articleMaxaa ku Soo Kordhay wadahadaladii Farmaajo iyo Rooble ?