Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Shir Lagu Heshiisiinaayo Beelo Dhawaan Dagaalo Culus Dhexmareen oo ka Furmaaya…

Shir Lagu Heshiisiinaayo Beelo Dhawaan Dagaalo Culus Dhexmareen oo ka Furmaaya…

0

Gogasha nabadda ee Beelaha walaalaha Cabdalla Caroone iyo Maxamed Muuse ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah si rasmi ah uga furanto Teendhadaan oo ku taalla degaanka Burka Dirimeed oo u dhaxeya degmooyinka Raage-Ceelle iyo Cadale ee Gobalka Shabeelada dhexe.

Qorshaha waxa uu ahaa in uu maanta furmo balse waxaa dib loogu dhigay wafdi ballaaran oo maanta gaaraya degaankaas, waxaana kala hogaaminaya Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo Xildhibaan Cusmaan Xaadoole, waxaana ilaa hadda degaankaas oo meel keyn ah ku yaalla ku sugan muddo habeenno ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, Imaamka Mudullood Imaam Daahir iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Guudlaawe iyo Xaadoole oo uu khilaaf u dhaxeeyo ayaa maanta sidoo kale halkaas isku arki doono laakiin waxaa labadooda hortaallo sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda dadka degaanka. Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo muddo 7aad ah ku sugan Sh dhexe ayaa ku guuleestay kala qaadidda labada ciidan, xabad joojin iyo in gogal la isugu yimaado, isagoo kadibna ballaariyay Gogasha nabadeed ee degaanka ka dhaceyso.

Ad
Previous articleMaamulka Gobalka Banaadir oo Dib u dhigay Xiliga ay Furmayaan iskuulada Gobalka Banaadir
Next articleDowlada Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay heshiiska Soomaaliya iyo Ruushka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here