Home Wararka Maanta Shir kismaayo uga Furmay Maamul gobaleedyada iyo Dowlada dhaxe

Shir kismaayo uga Furmay Maamul gobaleedyada iyo Dowlada dhaxe

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa maanta ka furtay Magaalada Kismaayo shirka wadatashiga Wasaaradaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Shirka oo ah kii sadexaad ayaa doorkan diiradda lagu saari doonaa adeegyada aas aasiga ah ee Caafimaadka iyo sidoo kale saamaynta uu yeeshay cudurka Corona Virus.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa shirka ka jeedisay warbixin la xiriirta saameynta uu Soomaaliya ku yeeshay cudurka iyo sida ay ula tacaashay wasaaradsa.

Qaar kamid ah Wasiirada Caafimaadka dowlad Goboleedyada ayaa dhankooda shirka ka jeediyay warbixino ku saabsan baahiyaha Caafimaad ee kahira degaannadooda iyo saameynta uu ku yeeshay cudurka COVID-19.

Geba-gabada Shirka u dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Wasiirada Maamul Goboleedyada ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed kusaabsan waxyaabihii ay shirka uga hadleen.

Ad
Previous articleDhageyso Midowga Musharaxiinta oo sheegay in Ra’isul Wasaaraha ay kala hadleen Doorashada boobka ah
Next articleDoorasho Maanta ka dhacaysa Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here