Home Wararka Maanta Shir kenya uga furmaya urur Gobaleedka IGAD iyo Soomaaliya oo ka qeyb-galaysa

Shir kenya uga furmaya urur Gobaleedka IGAD iyo Soomaaliya oo ka qeyb-galaysa

0

Shir Madaxeedka 39aad ee Urur Goboleedka IGAD ayaa maanta ka dhacaya Magaalada Nairobi waxaana diiradda lagu saarayaa Abaarka jirta dalalka xubnaha ka ah ururkaan, Amniga iyo xal u helista khilaafaadka xuduudaha.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo ku maqan Turkiga waxaa booskiisa ku metalaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo gaaray Magaalada Nairobi oo shirkaan uu ka qabsoomayo.

Madaxda IGAD ayaa si qoto dheer uga doodeysa wax ka qabashada Abaarta ka jirta waddamada xubnaha ka ah ururkaan oo ay ugu daran yihiin Soomaaliya, Itoobiya & Kenya oo heerar kala duwan gaaray saameynta ay reebtay Abaartu.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa khudbadiisa lagu wadaa in uu kusoo bandhigo heerka abaarta Soomaaliya gaarsiisan tahay, dedaalka Madaxweynaha JFS uu sameeyay iyo sida wax looga qaban karo.

Gaba-gabada shir madaxeedka IGAD ayaa lagu wadaa in warsaxaafadeed laga soosaaro si loosoo bandhigo waxyaabaha ay isla gartaan Madaxda ka qaybgaleysa shirkaan 39aad, sida lagu xalin karo caqabadaha iyo dhibaatooyinka taagan.

Urur Goboleedka IGAD oo la aasasay Janaayo 1986dii waxaa ku bahoobay waddamada kala ah: Djibouti, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan & Uganda, ujeedka loo aasaasay ayaa ah in ay iskaashadaan maadaama xad wadaag yihiin waddamadaan.

Ad
Previous articleCismaan Axmed Macow OO Lagu dilay Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa Dilkiisa
Next articleUNOCHA ” ugu yaraan 200 oo carruur ah ayaa Soomaaliya ugu geeriyoodeen tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here