Soomaaliya iyo dalalka safka hore ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kaasi oo hal-ku-dhigiisu ahaa “Isku-duwidda Howl-gallada Ciribtirka Khawaarijta.”
Kulankaan ayaa waxaa looga hadlaya inta uu socdo isku dubaridka howl-gallada dalka looga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, xilli uu soo gaba-gaboobay wejiga koowaad ee dagaalka.
Ujeedka kulanka ayaa ah in qorshe mideysan lagu bilaabo wejiga labaad ee howl-galka dib u xoreynta dalka, kaasi oo ay ka qeyb-gali doonaan ciidamada dalalka dariska ee Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti.
Shirkaan oo sadex maalin socon doona ayaa waxaa furey wasiirka gaashaandhigga JFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyada oo ay ka qeyb-galeen wasiirada, arrimaha gudaha, cadaaladda, wasiiru-dowlaha amniga gudaha iyo Taliyaasha xoogga iyo Booliiska.
Hoggaamiyayaasha Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya ayaa 1-dii Febraayo ee sanadkaan ayaa ka qeyb-galay kulan madaxeed uu Muqdisho ku marti-geliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Bayaan ay xilligaasi si wada-jir ah u soo saareen ayaa waxay sheegeen inay isku raaceen inay si wadajir ah u qorsheeyaan una abaabulaan olole howlgal “oo lagu raadinayo laguna burburinayo” Al-Shabaab, kaasi oo ah dhowr jiho.
Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.
Si kastaba, ciidamada ka madax-banaan ATMIS ee dalalka safka hore ayaa waxay la dagaalami doonaan kooxda Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada dowladda Soomaaliya, oo wejigii koowaad ee dagaalkan kaashanayay dadka deegaanka.