Home Wararka Maanta Khalid Aydd Ahmad oo la Dilay iyo Maraykanka oo War kasoo Saaray

Khalid Aydd Ahmad oo la Dilay iyo Maraykanka oo War kasoo Saaray

0

Ciidamada Mareykanka ayaa weerar qorsheesan shalay oo Isniin ah ku dilay hoggaamiye sare oo katirsanaa kooxda Daacish , waxaana howlgalka hoggaamiyahan lagu dilay ka dhacay magaalo ku taalla dalka Syria.

War maanta oo Talaado ah kasoo baxay taliska dhaxe ee ciidamada Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidankooda dileen Khalid Aydd Ahmad al-Jabouri oo katirsanaa hoggaanka sar sare ee kooxda Daacish.

Mareykanka ayaa sheegay hoggaamiyahan katirsanaa Daacish in uu abaabulay masuulna ka ahaa weeraro ka dhacay waddamo kuyaalla Yurub, waxa ay sidoo kale sheegeen in ninkan ka shaqeenayay in uu horumariyo qaab-dhismeedka hoggaanka Daacish.

”Dhimashada Khalid Aydd Ahmad al-Jabouri ,waxa ay si ku meel gaar ah u carqaladayn doontaa awoodda ururka Daacish  ee qorsheynta weerarrada dibadda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Mareykanka .

Ad
Previous articleBurcad biskoolad caag ah dadka ku dhaceysay oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)
Next articleShir Culus oo ka Dhan ah Alshabaab oo Ka Furmay Muqdisho(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here