Home Wararka Somaliya Galmudug Shir ay Soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka Galmudug oo Galkacyo ka furmay

Shir ay Soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka Galmudug oo Galkacyo ka furmay

0

Kulankaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo horumarinta reer Miyiga ee dowlad gobaleedka Galmudug oo ay ka qeyb galeen xubno matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo iyo mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Galmudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Kulanka oo ahaa mid looga hadlayay sida looga wada qeyb qaadan karo ka hortagga xaalufinta Dhirta iyo ka ganacsiga Dhuxusha ee xad dhaafka ah ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay ku xigeenka duqa Degmada Gaalkacyo Injineer Maxamed oo sheegay in maamulka Degmadu uu go’aan adag ka qaatay xakameynta ka ganacsiga dhuxusha.

Guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye isxal ayaa sheegay in xaalufin badan lagu hayo deegaanka loona baahan yahay in laga wada qeyb qaato ka hortagga xaalufinta deegaanka.

Qaar ka mida xubnihii ka qeyb galay kulanka ayaa balan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonaan wacyi gelinta ka hortagga xaalufinta deegaanka.

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda deegaanka isbadalka cimilada iyo horumarinta reer miyiga ee dowlad gobaleedka Galmudug Xuseen Axmed Maxamuud ayaa xusay in Wasaaraddu ay wado dadaallo looga maarmi karo isticmaalka dhuxusha.

Ad
Previous articleMaxaa iska debalay Wada Hadaladii Farmaajo iyo Rooble
Next articleMadaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Maanta furay Shirka Dowladaha Hoose ee Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here