Home Wararka Maanta Shiikh Usuuli oo si adag uga hadlay Dagaalka Laguula Jiro Alshabaab

Shiikh Usuuli oo si adag uga hadlay Dagaalka Laguula Jiro Alshabaab

0

Sheekh Cusmaan Usuuli oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa si adag uga hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isagoo cadeeyey in wax kasta ay ka muhiimsan tahay in kooxdaas laga xoreeyo dalka.

Sheekh Usuuli ayaa ganacsatada u sheegay in cadaab iyo carada Alle ay ku muteysa doonaan dhaqaalaha ay siinayaan kooxdaan baneysatay dhiigga dadkaan Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Sheekh Usuuli ayaa aad u amaanay beelaha Soomaaliyeed ee kacdoonka sameeyey oo dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab, isagoo culumada dalka joogta ku dhiirageliyey inay dadka ku hogaamiyaan dagaalka Khawaarijta.

“War ganacsatadaan la hadlayaa, inaad Shabaab heshiis ku ahaataan inaad idinku ganacsataan oo dhaqaale sameysaan, dadkana ay Shabaab laayaan, ilaahey ayaa idinkaga caroonaya,” ayuu yiri sheikh Usuuli.

Isagoo ganacsatada ku amaanay doorkooda dib u dhiska dalka, ayuu u soo jeediyey in lambarada ay ka soo wacayaan Al-Shabaab ay dowladda ku war-geliyaan, si ninkaas baadda raadinaya tallaabo ay uga qaado dowladdu.

“Ganacsato shacabka ayaad wax ku tihiin, maanta isha ayaa idinku godan, Al-Shabaab la’aantii wax ma noqon karaan, qiyaamaha ayaad ka shalaayi doontaan hadaa dhaqaale siisaan Al-Shabaab,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

“Ilaahey ayaa maanta xaqa soo daahiriyey, ciidankeena xoogga dalka ayaa naga qabtay Al-Shabaab, Khawaarijtu waxay sheegaan inay gaalo la dagaalamayaan, laakiin gaaladu Xalane ayey iska fadhiyaan, waxayna mushaar ku qaataan Shabaab joogitaankooda,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Sheekh Cusmaan Usuuli ayaa dowladda ugu baaqay inay reebto xumaanta oo diinta loo laabto oo musuqa la joojiyo, “Kuwaan oo ilaahey naga dul qaado ayaan Alle ugu dhawaaneynaa, culumadu waa inay safka hore gasho,”

Sheekha ayaa aad u amaanay qabaa’ilka dagaalamaya, “Maanta qabaa’ilkii ayaa kacay, dad ayaa isku dayaa inay suurad xumeeyaan kacdoonkaan, dadkaas waxay la jiraan Al-Shabaab, waxay ku leeyihiin umadu waa halaagsamee oo beel beel ayaa la isku leynaa, war ninkii qaba in umadu halaagsamee, isagaaba halaagsamay mar hore,” ayuu yiri.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleBooliska Soomaaliland oo War kasoo saaray Qarax La Sheegay inuu Xalay Ka Dhacay Hargaysa
Next articleAl-Shabaab oo beddeshay xeeladdeeda dagaalka Lana Soo Baxday Xeelad kale oo cajiib ah