Home Wararka Somaliya Jubbaland Shiikh Caan oo Goordhow qarax loogu Dilay Magaalada Kismaayo

Shiikh Caan oo Goordhow qarax loogu Dilay Magaalada Kismaayo

0

Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka dhacay qarax gaari uu watay loogu xiray mid kamid ah wadadaada Soomaaliyeed, kaa oo la sheegay in uu qaraxa ku dhintay.

Qaraxa ayaa ka dhacay isgooska lagu magacaabo Soomaali Star oo kuyaalla magaalada Kismaayo , waxaana qaraxan lagu soo xiray gaari uu watay Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo kamid ah culimada Soomaaliyeed kuwooda caanka ah.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo watay gaariga la qarxiyay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray baarisna ka sameeyay ciidamada booliiska iyo Nabad Sugida Jubbaland.

Wadaadka qaraxa lagu dilay ayaa la sheegay in dhawwaan tagay magaalada Kismaayo , isagoona horey ugu noolaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, lamana oga cida ka dambeesay qaraxa lagu dilay Sheekh Cabdinaasir.

Ad
Previous articleMid ka mid ah saaxibada Raysuwasaare Rooble oo loo Diiday inuu Kursi uu ku Fadhiyay U Tartamo iyo Rooble oo Ka aamusan
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo si Kulul uga Hadlay Geerida Shiikh C.naasir oo kismaayo lagu Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here