Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga gurmadka ee abaaraha, iyaga oo ka wada-hadlay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu soo saaray sidii deg deg gurmad loogu gaarsiin lahaa qoysaska Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta haatan ka jirta dalka.
Xubnaha guddiga ayaa intaasi kadib guddoomiyaha u gudbiyey codsi la xiriira lacagihii faraha badnaa ee laga qaaday musharixiintii u tartantay xilka Madaxweynaha si qayb ka mid ah loogu deeqo gurmadka, waxna loogu qabto dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
Dhankiisa Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlay kulanka ayaa guddiga u sheegay in sida ugu wanaagsan uu Golaha ula shaqeeyn doono, uuna tixgelin doono dalabkooda.
Kulamadan ayaa imaanaya xilli ay haatan dalka ka jirto abaar aad u daran, ayada oo la soo warinayo in gobalada qaar ay dadka u dhinteen biyo la’aan, halka qaarkood ay ka baro-kaceyn deeganadii ay ku sugaanaayeen.