Guddoomiyaha golaha shacabka oo kormeer ku tahay xarunta lagu qabanayo hadal jeedinta musharaxiinta iyo doorashada Madaxweynaha.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer indha-indheyn ah ku tagay teendhada Afasiyooni oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada madaxweynaha.
Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afasiyooni kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya.
Saraakiisha ayaa la faray in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala galay in ciidamada ammaanka ay ku shaqeeyaan. Guddoomiyaha wuxuu amray in dadka aan lagu xadgudbin lana faray in waajibaadkooda ay u gutaan si hagar la’aan ah.
Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.
Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg
Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo