Home Wararka Maanta Sheekh Aadan Madoobe oo casuumad ka helay Dowladaha C6+ (Sawirro)

Sheekh Aadan Madoobe oo casuumad ka helay Dowladaha C6+ (Sawirro)

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay ku-xigeenka wakiilka Xoghayaha Guud ee (QM) ee Soomaaliya marwo Anita Kiki Gbeho oo Guddoomiyaha la wadaagtay dhambaal casuummaad ah oo ay ka sidday dowladaha C6+.

Marwo Anita Kiki ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ugu hambalyaysay xilka loo doortay Guddoonka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) ayaa  maanta kulan Muqdisho kula qaatay madaxweynihii hore ahna musharrax madaxweyne mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku soo booqday hoygiisa.

Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn salaan iyo hambalyo la wadaagay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo musharax madaxweyne mudane Xasan  Sheekh Maxamuud waxa ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka oo ahaa mid looga hadlayey arrimaha doorashada madaxweynaha ayaa  Guddoomiyaha waxa uu hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay in doorashada ay ku dhacdo jawi nabdoon oo wadar ogol ah.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleFarmaajo oo Masjidka Shuhadada kula Tukaday xubno ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya(Sawirro)
Next articleAxmed Karaash oo markale weerar Afka ah ku qaaday Saciid Deni