Home Wararka Maanta Farmaajo oo Masjidka Shuhadada kula Tukaday xubno ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya(Sawirro)

Farmaajo oo Masjidka Shuhadada kula Tukaday xubno ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya(Sawirro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaadda Ciidul Fidriga ku tukaday Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa ummadda Muslimiinta ah iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaadda Ciidda ka dib khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, ayaa ku boorriyey in ay ku dadaalaan taakulaynta dadka danyarta ah iyo ka shaqaynta danta guud, taasoo qayb ka ah acmaasha wanaagsan ee Alle ina faray.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay dadaallada dowladdu ay ku bixisay ka shaqaynta  midnida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isaga tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed midoobaan, una guntadaan horumarinta dowladnimadooda.

“Waxaan mudnaanta siinnay in aan ilaalinno midnimado dalkeenna, difaaca sharafteenna iyo horumarinta dowladnimadeenna. Waxaan  diiradda saarnay dib u habaynta caddaaladda iyo garsoorka oo tiir u ah nolasha wanaagsan iyo diinteena suubban.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isku duubni, isagoona ku boorriyay inay dowrkooda ka qaataan dib-u-dhiska dalka, xasilloonida iyo la dagaallanka cadawga argagixisada ah ee u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleCali Guudlaawe iyo Ku Xigeenkiisa oo Meel Fagaara aha Kula Ciiday Shacabka Ku Nool Caasimada Hirshabeele(Sawiro)
Next articleSheekh Aadan Madoobe oo casuumad ka helay Dowladaha C6+ (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here