Home Wararka Maanta Sharciga Ladagaalanka Argagixisada oo 10 sano Hooryaalay Baarlamaanka oo Maantay La Ansixiyay

Sharciga Ladagaalanka Argagixisada oo 10 sano Hooryaalay Baarlamaanka oo Maantay La Ansixiyay

0

Xildhibaanada Golaha Shcabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixsada, oo wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya horgeesay baarlamaanka .

Qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa dood kulul ka yeeshay sharciga la dagaalanka argagaxisada, waxaana xildhibaano badan sheegeen in sharcigan muhiim u yahay la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada.

Dood dheer kaddib xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday sharcigan, waxaana  ogolaatay ansixinta sharcigaas 133-xildhibaan, seddax Xildhibaan ayaa diiday, halka todoba xildhibaana ay ka aamuseen.

Dhinaca kale Agaasimaha hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Mahad Salaad ayaa xildhibaanada golaha shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixsada.

Mahad Salaad ayaa sheegay in sharcigan uu laf dhabar u yahay dagaalka lagula jiro kooxaha hubeesan, waxa uuna xusay in ansixinta sharcigan kusoo aaday xilli baahin weyn loo qabo dagaalna lagula jiro Al Shabaab.

Agaasimaha hay’adda NISA ayaa sidoo kale ka codsaday guddoonka iyo xildhibaanada Aqalka Sare in iyana ansixiyaan sharcigan la dagaalanka argagaxisada, uu tilmaamay in baahi weyn loo qabo si shacabka Soomaaliyeed looga dulqaado argagaxisada

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada oo Ka Hadashay Saraakiil Alshabaab ah oo La Dilay iyo Kuwa isisoo Dhiibay
Next articleUganda oo waddo muhiim ah u xirtay cabsi laga qabo qarax