Home Wararka Maanta Sharciga cusub ee dhalashada Hindiya oo muslimiinta laga saaray

Sharciga cusub ee dhalashada Hindiya oo muslimiinta laga saaray

0

Dowladda Hindiya ayaa bilowday hab rasmi ah oo wax looga bedelayo sharciga dhalashada iyo jinsiyadda kaas oo dooddi ka tagaantahay in uu kasoo horjeedo muslimiinta.

Dib u habeynta ayaa ogolaaneeyso dadka aaminsan diimaha laga tira badanyahay ee dalalka deriska ah sida Pakistan, Bangladesh iyo Afghanistan si ay u qaataan dhalasahada Hindiya

Dawladda Hindiya waxay sheegtay in ay raadinayso wax ka beddelkan si ay “u wajahdo cadaadis” kaga imaanay dadkan laga tirada badan yahay.

Markii sharciga jinsiyadda uu ansixiyay baarlamaanka Hindiya sanadkii 2019kii, Hindiya waxay la kulantay mudaaharaadyo ay ku dhinteen tira dad ah, dad bandanna waa la xiray.

Sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Hindiya, ansixinta sharciga ayaa dib u dhac uu ku yimid xilligaas sababo la xiriira qalalaasihii dalkaas ka dhacay, balse dowladda ayaa hadda bilawday fulinta dhaqaajinta talaabadan

Ad
Previous articleXukuumadda Somaliland oo war cusub kasoo saartay xasaradaha haatan ka jira badda cas
Next articleNinkii diley Sheekh Maxamed Xasan Adam oo la xukumay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here