Home Wararka Somaliya Shaqaaqadii Ka Dhacday Maantay Dhuusamareeb oo Gudi Loosaaray

Shaqaaqadii Ka Dhacday Maantay Dhuusamareeb oo Gudi Loosaaray

0

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid oo xarunta Maamulka Dhuusamareeb kulan kula yeeshay Saraakiisha Amniga ayaa waxa u magacabay guddi soo baara, dagaal maanta bartamaha Dhuusamareeb ku dhex marey Ciidamada Booliiska iyo kuwa GorGor, isla markaana sababey dhimashada ilmay saqiir ah iyo dhaawaca sedax askari.

Madaxweyne kuxigenka ayaa sheegay in talaabo sharci ah laga qadayo cida ay ku cadaato in ay ka danbaysay falki Shacabka Caasimada lagu qalqal galiyay.

Gudigga u Madaxweyne kuxigeenka Magacaabay ayaa kala ah.

1 Duqa Caasimada Dhusamareeb.
2 Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug
3 Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug
4 Taliyaha Qaybta 21 ee Milatariga
5 Taliyaha Qaybta Nabadsugigada
6 Gudomiyaha Dhalinyarada Caasimada
7 Gudomiyaha Maxkamada Ciidamada.

 

Ad
Previous articleMidowga Musharaxiinta oo dalbaday in Lagu laabto dhamaan Doorashada Golaha Shacabka (Akhriso)
Next articleAkhriso:Hal Qodab oo lasoo Warinayaa in ilaa iyo Haatan Golaha Wadatashi Qaran isku Mari la,yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here