Dhalinyaro kamida Shaqaalaha Galmudug oo ka baxay Magaalada Dhusamareb una socday Deg.Cadaado ayaa wadada waxaa u galay maleeshiyad ka soo jeeda Dhusamareeb oo u abaabulan qaab qabiil xili ay marayen deeganka mareer-gur oo u dhaxeya Dhusamareb iyo Cadaado.
Dhalinyarada oo rasaas farabadan lagu furay baaburtii ay wateen ayaa ka badbaaday Laba Dhalinyaraa oo ka kala Tirsanaa Wasaarada Caafmaadka Galmudug iyo Wasaarada Qorshaynta Galmudug ayaa Si dirqi ah uga Badbaaday Usku Day dil oo Meleeshiyo Beeleed kasoo Jeeda Beesha Cayr ay la Damacsanaayeen.
Dhalinyaradaan oo Watay gaari nooca Brobox looyaqaan ayaana Orad uga Baxsaday Ragaan oo Mudo Raasaas kuwada Ugu Danbayn Si nabad ah ayay ku tageen Magaalada Cadaado oo ay ku Wajahnaayeen.
Galmudug ayaana Wali Gacanta Kusoo Dhigin Ragii Caasimada Galmudug Dhuusamareeb laba Habeen Ka hor ku Dhexdilay Ganacsato kasoo Jeeda Magaalada Cadaado.