Home Wararka Maanta Shaqaalaha gargaarka ee ku xanibnaa gobolka Tigray oo halkaasi ka baxay

Shaqaalaha gargaarka ee ku xanibnaa gobolka Tigray oo halkaasi ka baxay

0

Madaxa arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa sheegay in shaqaalaha hey’addppda ay u suura gashay inay si nabad ah uga baxaan gobolka Tigray Talaadadii, ka dib toddobaadyo uu dhaqdhaqaaqooddu la hakiyey.

Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in dhaq dhaqaaqa shaqaalahooddu uumar kale ay si habsami leh u socon doono.

Qaramada Midoobay ayaa bishii hore ku dhawaaqday inay hakisay gargaarkii la gaarsiin lahaa gobolka, markii uu dagaal hor leh ka qarxay. Malaayiin qof oo halkaas ku nool, ayaa weli u baahan gargaar degdeg ah.

Griffiths ayaa ku booriyay xukuumada dowladda Itoobiya iyo jabhada TPLF inay ogolaadaan dib u soo celinta gargaarka, ayna xaqiijiyaan ammaanka iyo badqabka shaqaalaha ka hawl galaya arrimaha bini’aadantinimada.

 

 

Ad
Previous articleDab xalay kacay oo khasaare weyn u geystay suuqa weyn ee Kismaayo
Next articleWadamada Midowga Yurub oo isku raacay xirmo cusub oo cunaqabateyn ah oo ka dhan ah Ruushka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here