Madaxa arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa sheegay in shaqaalaha hey’addppda ay u suura gashay inay si nabad ah uga baxaan gobolka Tigray Talaadadii, ka dib toddobaadyo uu dhaqdhaqaaqooddu la hakiyey.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in dhaq dhaqaaqa shaqaalahooddu uumar kale ay si habsami leh u socon doono.
Qaramada Midoobay ayaa bishii hore ku dhawaaqday inay hakisay gargaarkii la gaarsiin lahaa gobolka, markii uu dagaal hor leh ka qarxay. Malaayiin qof oo halkaas ku nool, ayaa weli u baahan gargaar degdeg ah.
Griffiths ayaa ku booriyay xukuumada dowladda Itoobiya iyo jabhada TPLF inay ogolaadaan dib u soo celinta gargaarka, ayna xaqiijiyaan ammaanka iyo badqabka shaqaalaha ka hawl galaya arrimaha bini’aadantinimada.