Home Wararka Maanta Shan gabdhood oo Soomaali ah oo Shil naxdin leh ugu dhintay Maraykanka

Shan gabdhood oo Soomaali ah oo Shil naxdin leh ugu dhintay Maraykanka

0

dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo uu khasaare xoogan kasoo gaaray gabdho Soomaali ah, kaas oo xalay ka dhacay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Gabdhaha oo ka yimid Mall ay kasoo adeegteen ayaa intii ay waddada socdeen waxaa dul maray gaari, kaas oo sababay inay isla goobta ku geeriyoodaan.

Sheekh Tawakal Ismaaciil  kamid ah culimada Soomaalida ee ku dhaqan Minnesota ayaa u warramay SNTV, wuxuuna sheegay in shanta gabdhood ay saddex kamid ah ahaayeen walaalo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gaariga dul maray uu waday nin tuug ah oo soo xaday baabuurka, kaas oo doonayay inuu la baxsado.

“Gabdhuhu adeeg ayay ka yimaadeen marka shilbaa ku dhacay nin tuug ah oo gaari soo xaday ayaa waxaa weeye gabdhaha kormaray shantaba way dhinteen ilaahey ha u naxariisto saddex waa isku famil” ayuu yiri Sheekha.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in eedeysanaha lasoo qabtay, isla-markaana ay haatan su’aallo weydiinayaan ciidamada booliska.

‘Ninka eedeysanaha waxaa haya booliska magacayada shanta gabdhood lama soo gudbin, laakiin waa la xaqiijiyay inay dhiteen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Nin kale oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Biixi, isla-markaana ka hadlay dhacdadan xanuunka badan ayaa sheegay in shanta gabdhood ay ahaayeen kuwa qalin-jebinayay, isla-markaana isku diyaarinayay xafladdooda, balse ay la kulmeen shilka sababay geeriyooda.

“Gabdho fiican oo waxbarashada ku wanaagsan ayay ahaayeen xilliga qalin-jebinta ayay isku diyaarinaayeen marka waa arrin xanuun leh” ayuu yiri Cabdirsaaq Biixi.

Mareykanka oo ay ku nool yihiin Soomaali badan ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca shilal, kuwaas oo sababa khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ad
Previous articleGudoomiye Haashim Maxamed Shareere oo Qaab Shirqool ah loo Dilay Xalay iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa
Next articleWasiirka Amniga Soomaaliya oo kasoo Jorjeestay Maamul ay Dowlada Federaalku Taageertay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here