Home Wararka Somaliya Galmudug Shacabkii Ugu Badnaa oo ka Barakacay Koonfurta Gobalka Mudug ogoow Sababta

Shacabkii Ugu Badnaa oo ka Barakacay Koonfurta Gobalka Mudug ogoow Sababta

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in shacabka ugu badnaa ay maalmihii lasoo dhaafay ka barakaceen koonfurta gobolkaas oo ay weli ka socdaan howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Illaa in ka badan saddex kun oo qoys ayaa lasoo wariyay inay kasoo barakaceen deegaanadii ay dhowaan dib u qabsadeen xoogaga Al-Shabaab ee gobolka Mudug.

Magaalooyinka laga soo barakacay ayaa waxaa kamid ah Bacaadweyne, Xinlabi, Caad iyo Camaara, halkaas oo ay dib ula wareegtay kooxda, markii ay kasoo baxeen ciidamada.

Shacabka ayaa gaaray magaalooyin ay kamid yihiin Gaalkacyo, Mirjicley, Wisil, iyo Bajeela, ayga oo halkaas ka bilaabay nolol cusub, maadaama ay kusoo adkaatay tii hore.

Qoysaska barakacay ayaa isugu jira carruur, haween iyo dad da’a ah, kuwaas oo aad nugul, waxaana lagu soo dhoweeyay deegaanada ay tageen.

Galmudug oo kaashaneysa hay’adaha Samafalka ayaa dadkaasi u sameysay gurmad, waxaya sheegtay inay ahaayeen qoysas xoolo dhaqato ah oo dhibaato loo gaystay.

Sidoo kale waxaa qoysaskan ku jiro xaasas laga dhintay lixdii bilood ee lasoo dhaafay, sababo la xiriira howlgalladii ciidan ee dhulkaas lagu xoreeyay, sida uu shaaca ka qaaday Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha Galmudug (GCRI) oo warbixin soo saaray.

Gobollada dhexe ayaa waxaa muddo ka badan sanad ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, si looga ciribtiro Al-Shabaab

Ad
Previous articleMadaxda Puntland oo Ku Qulqulaaya Itoobiya
Next articleXasan Shiikh oo Abaalmarin Siiyay Ciidamadii Alshabaab u Diiday inay Xarardheere Qabsadaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here