Home Wararka Caalamka Shacabka Ukrain oo Bilaabay inay si layaable ku laayaan Ciidamada Ruushka

Shacabka Ukrain oo Bilaabay inay si layaable ku laayaan Ciidamada Ruushka

0

Ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaaday dalka Ukraine ayaa khasaaro badan kala kulmay howlgalka ay ka wadaan guddaha dalkkaasi, waxaana ciidamada Ruushka dagaal kula jira ciidamada Ukraine oo taageero ka helaya shacabka dalkaasi.

Shacabka Ukraine ayaa qaarkood waxa ay qaateen hub ay kula dagaalamaan ciidamada Ruushka, halka kuwa kalana ay la yimaadeen farsamooyin cusub ay ku dhibaateenayaan ciidamada Ruushka ee ku suigan gudaha Ukraine.

Warbaahinta caalamka ayaa tabinaya in shacabka Ukraine bilaabeen in ay sun ugu daraan ciidamada Ruushka raashinka iyo waxyaabaha kale ee isticmaalaan, waxaamna taasi xaalada uga sii dartay ciidamada Ruushka.

Labo askari oo katirtsan ciidamada Ruushka ayaa dhintay kaddib markii rooti loogu daray sun, waxaa sidoo kale isbitaalo la dhigay boqolaal askari oo katirsan ciidamada Ruushka kaddib markii Qamri iyo raasin kalaba loogu daray sun.

Dalka Ukrane ayaa lagu dilay kumanaan askari oo katirsan ciidamada Ruushka halka tiro kalana ku dhaawacmeen, ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday Ukraine ayaan fileyn in ay la kulmi doonaan iska caabin xooggan.

Ad
Previous articleMidowga Musharixiinta oo Bilaabay Dadaalo lagu Fasaxaayo Kursiga Fahad yaasiin
Next articleYaa Horay U xayiray Lacagtii Shalay Rooble u Fasaxay ee Qasnada Dowlada Ku Jirtay(Xog)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here