Home Wararka Somaliya Shabaab oo Shaacisay Magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyey Degaanka Bacaadweyn

Shabaab oo Shaacisay Magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyey Degaanka Bacaadweyn

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay wareysi lala yeeshay is-miidaamiyihii Jimcihii fuliyey Qaraxa ka dhacay duleedka degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Axmed Cabdullaahi Cabdulqaadir oo Al-shabaab dhexdeeda loo yaqiin Axmed Shaakir iyo Cumeyr wuxuu ahaa 21 sano jir kooxdaas ku biiray sanadkii 2018.

Is-miidaamiyahan ayaa la sheegay inuu ku dhashay degaanka Kuunyo-Barrow, kana soo jeedo Beesha Tuni, gaar ahaan jufada Xajuubo, wuxuuna xusay inuu inta badan ka soo dagaalamay gobolka Sh/hoose

Wareysi uu bixiyay ayuu uga hadlay weerarka uu qaaday iyo waxaa ku kalifay, isagoo xusay in talaabada uu qaaday uu ALLE ugu dhowaanayo, ujeedada uu ka leeyahayna ay tahay inuu naafeeyo wax uu ugu yeeray caddow ALLE.

Alshabaab waxay hore u sheegtay in Qarixii Is-miidaaminta ee ka dhacay duleedka Bacaadweyn Jimcihii 16-ka July ay ku dileen 7 askari, halka ciidamada dowlada iyo maamulka Galmudug ay sheegeen inay fashiliyeen Qaraxaasi, markii la toogtay is-miidaamiyaha iyo gaariga uu watay oo aan soo gaarin goobta ay ku sugnaayeen ciidamada.

Ad
Previous articleMaamulka Galmudug oo war kasoo saaray Dagaalada Maanta iyo Goobaha lala wareegay
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo Shacabka Somaliyed u diray Hambalyada Munaasabada Ciidul adxaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here