Home Wararka Maanta Sergio Aguero oo Shaaciyay sidii uu Lionel Messi u carooday intii...

Sergio Aguero oo Shaaciyay sidii uu Lionel Messi u carooday intii uu socday Dabaal Daga Koobka Adduunka

0

Sergio Aguero ayaa daboolka ka qaaday sidii uu Lionel Messi u cadhooday markii uu arkay isaga oo khamri badan cabbaya isla markaana dabbaal-degaya intii uu socday Koobka Adduunka oo uu xiddigan hore ee wadne-xanuunku ciyaaraha ka fadhiisiyey uu kula sugnaa waddanka Qatar.

34 jirkan ayaa si weyn ugu dabbaal-degay guushii xulka qarankiisa ee Koobka Adduunka ay rikoodheyaasha kaga adkaadeen Argentina.

Aguero oo bishii December ee sannadkii hore kabaha tiiriyey, ayaa ay ka burburtay riyadiisii ahayd inuu ciyaaro Koobka Adduunka isla markaana sii dheeraysto tirada kulamada uu u saftay xulkiisa oo ah 101 ciyaar, laakiin waxa uu riyadiisa ku rumeeyey in aanu ka dhax bixin xulkii guuleystay oo uu waqti la qaatay.

Aguero ayaa waraysi uu siiyey warbaahinta Tyc Sports waxa uu ku sheegay in waqtigii xulku dabbaal-degayay inuu khamri badan cabbay, isla  markaana illoobay cuntada laakiin uu Lionel Messi ku xanaaqay, waxaanu yidhi: “In badan ayaan cabbay, wax cunto ahna ma cunin. Waxa aanu ahayn horyaalka adduunka. Haddii ay wax igu dhici lahaayeen, maalintaas ayay igu dhici lahaayeen.

“Leo Messi ayaa cadhooday, waxaanu igu yidhi ‘jooji’. Sidee ayaan u joojiyaa? Ayaan ugu jawaabay, sababtoo ah waxa aynu nahay horyaalka dunida, aadna waan u faraxsanahay.”

Aguero ayaa intaas kaddib waxa uu qaaday  Lionel Messi, waxaanu yidhi: “Waxa aan qaaday xiddiga u wanaagsan dunida. Garbahayga ayaan ku siday aniga oo bood-boodaya, laakiin dhabarka ayay wax igala dhacayeen.

“Waxa aan gaadhay heer aan waxba qaadi kari waayo. Waxa aan gaadhay heer aan soo jeedsan kari waayo, waxaanan ku xigtay in cusbitaalka la i geeyo. Isagu wuu xaqiiqsaday sababtoo ah isaga ayaan eegayay.”

Ad
Previous articleCiidamadii lagu soo Tababaray Dalka Eriteeriya Oo Lagu Wareejiyay Dowlada Imaaraadka Carabta
Next articleWiil dib jir ahaa oo si lama filaan ah ku noqday milyaneer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here