Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) ayaa farriin adag u diray madaxweynaha xilkiis dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baalamaankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh.
Isagoo ka hadlayey Xaafadda Shiirkoe ayuu sheegay inaan Ninna laga aqbaleynininuu afar sano kadib kursiga iska fadhiyo.., balse laga doonayo inuu Doorasho u diyaar garoobo, isla markaana aanay hooyo iyo aabe dhalin nin xoog ku heysan karo kursiga oo dadka ku weerarri kara.
“Dadkaan wax kale ma yaqaan Qori ayey yaqaaniin.. 20 sano ayaan kasoo wacdinayeynay ee yaan loo celin Qorigii.. bilowgiisii farahaa lagu hayaa ee halaga leexdo.. taladeenu taas waaye. Haddii laga leexan waayo waa dirirraaa. meesha haddii dagaal yimaado xaaladu sidan ahaan meyso..” ayuu yiri Senator Dhegdheer.
“Waxaan meelaha ka maqlaayey Sarahaa la jebinaa.. Sarrahaan waxay ku dhisan yihin sharaf iyo Gobanimo ee kuma dhisna waa ku gumeysanaa, haddii kale Sara-haan kaa duminaa… Yaan lagu khaldamin hadalladaas raqiista ah.. Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaan u sheegayaan qof kaloo mas’uuliyadda kula qaadee ma jirto, kuwa ka hoos hadlaya ma naqaan.. Dalka Doorasho u wad, Doorasho ayaa laguugu dhiibee. Teendhadu ku noqono..” ayuu yiri Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer)
Guddoomiye Maxamed Mursal ayuu ugu baaqay inuu ka noqdo fitnada uu dalka ku furay inta goori goor tahay, wuxuuna meesha ka saaray inay sharci iyo maxkamad ka jiraan dalka haddii C/rashiid Janan oo denbiile ahaa Villa Somaliya la keenay.