Home Wararka Maanta Senatar Muuse Suudi Yalaxow oo weerar afka ah ku Qaaday Farmaajo

Senatar Muuse Suudi Yalaxow oo weerar afka ah ku Qaaday Farmaajo

0

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo Wariyeyaasha kula hadlay xarunta guddiga doorashada ee FITE, kadib markii lasiiyey shahaadada ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, isaga oo weerar ku qaaday MW Farmaajo iyo kooxdiisa.

Muuse Suudi ayaa shaaca ka qaaday in Farmaajo iyo Fahad ay dhibaateeyeen dadka Soomaaliyeed, xittaa dadkoodii u dhowaa, isaga oo tusaale u soo qaatay gobolka Gedo.

“Dadka hadda laga sheeganaayo nin walbo dadka ka sheeganaayo wuxuu uga daran yahay reeraha aw ka dhashay ninka la yiraahdo Fahad ciddiisa uma noola aaween nimankii odayaasha ahaa oo siyaasiyiinta oo kiisa ahaay, Maxamed Farmaajo dadkiisa wuxuu ku xayiray Gedo doorasho geli ma kartiin ayuu leeyahay waxaas looma baahna dadka ha xuroobo,” ayuu yiri Senatar Muuse Suudi Yalaxow.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen oo ku xiran Villa Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay inuu magaalada Muqdisho usoo diro xildhibaanada lagu soo doortay Baydhabo iyo Baraawe.

“Nin saaxibkey ahna Baydhaboy yaan leyga tegin anaa idin soo saaray dadka dhahayaa, isagana haka waan toobo dadka hasoo diro,” ayuu yiri Senatar Muuse Suudi Yalaxow.

 

Ugu dmabeyn wuxuu farriin culus u diray dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidamada iyo saraakiisha, wuxuuna usoo jeediyey inay ka fakiraan mustaqbalka dalka.

“Dhalinyarada waxaa leenahay mustaqbalka idinkaa iska leh ama ciidan noqda ama saraakiil sare noqda nin tegaayo yuu idinla tegin nin dhacay yuu idin dhuminin” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo haatan meel xun ay gaartay xaaladda dalka, isla-markaana uu sii laba kacleeyey khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.

 

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMusharax Madaxweyne oo Ku Tilmaamay Warkii Kasoo Baxay NISA iskuday Afganbi
Next articleDeg Deg Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo NISA si Kulul u eedeeyay Rooblana udiray Fariin adag