Home Wararka Maanta Senatar Ike Ekweremadu iyo Xaaskiisa oo lagu helay ka ganacsiga xubnaha jirka...

Senatar Ike Ekweremadu iyo Xaaskiisa oo lagu helay ka ganacsiga xubnaha jirka Bani’aadanka

0

Siyaasi caan ah oo u dhashay dalka Nageria iyo xaaskiisa ayaa lagu eedeeyay in ay qorsheeyeen iibsashada xubin muhiim ah oo bini’aadamka, si ay ugu bad baadiyaan xaalada gabadhooda oo laga deerinaayo.

Senatar Ike Ekweremadu, oo 60 jir ah iyo xaaskiisa Beatrice, 56 jir ah ayaa lagu eedeenayaa in falkan ku lug lahaayeen, waxaa sidoo kale falkan qeyb ka ahaa Dr Obinna Obeta, 50 jir ah.

Xubnahan ayaana hadda wajahaya eedeymo la xiriira ka ganacsiga xubnaha jirka banii’aadanka iyadoo la raacayo sharciyada addoonsiga ee casriga ah, waxaana xubnahan oo ku fashilmay qorshihii ay damacsanaayeen hadda lagu soo oogay dacwad.

Dacwad oogayaasha ayaa ka dhawaajiyay in ay qorsheeyeen in ay keli ka saaraan nin u dhashay Nigeria oo 21 jir ahaa, si kelidaas loogu beero gabadh uu dhalay sanatarka oo xaaladdeeda caafimaad kasii dareysay.

Wiil 21-sanno jir ahaa oo kunoolaa magaalada Lagos ee dalka Nageria ayey Senatorka iyo xaaskiisa ku qanciyeen in gabadhooda u saaro kilidiisa , waxaana ninkan loo ballan-qaaday in la geeyo UK sidoo kale la siiyo shaqo iyo lacag.

Qorshaha wiilkan killida looga saari lahaa ayaa fashilmay markii uu wiilkan tagay UK uuna ogaaday in kilidiisa laga saarayo, waxaana Senatorka iyo xaaskiisa markii dambe aadeen dalka Turkiga si halkaasi uga raadiyaan qof kili u saara gabadhooda.

Ad
Previous articleMa dhabaa in Muqdisho ay ka jiraan haween jirkooda ka ganacsada?
Next articleGanacsato ku hanti beeshay Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo lacago loo qeybiyay (Sawirro)