Home Wararka Maanta Sawiro: Taliye Saadaq Joon oo Dhufeesyo Ciidan ka sameestay Xaafadaha Shirkoole

Sawiro: Taliye Saadaq Joon oo Dhufeesyo Ciidan ka sameestay Xaafadaha Shirkoole

0

Xaafada Shiirkole ee magaalada Muqdisho ayaa xiligan gashay jawi ka duwan sidii hore, waxaana xaafadaasi hada isku bedeshay aag dagaal oo laga cabsi qabo in xili kasta dagaal uu ka qarxi karo.

Taliyihii hire ee ciidanka booliiska gobolka Banaadir Janaraal Saadaq Joon oo wata ciidamo badan iyo gaadiidka dagaalka ayaa saldhig ka dhigtay xaafada Shiirkole oo ku badan yihiin beesha uu kasoo jeedo.

Saadaq Joon iyo ciidankiisa ayaana hada xaafada qeybo kamid ah ka sameestay dhufeesyo iyagoona wadooyin badan oo xaafadaasi soo gala ku xiray caro tuur si ay difaac uga galaan hadii weerar lagu soo qaado.

Dadka degan xaafada Shiirkole waxaa lasoo darsay wal wal xoogan, iyagoona  ka cabsi qaba in korkooda lagu dagaalamo, dadkan ayaana qaar badan oo kamid ah xalay isaga qaxeen guryahooda kadib xiisad dagaal oo halkaasi laga dareemay.

Taliye hore Saadaq Joon oo xiligan mucaarad ku ah dowlada Soomaaliya ayaa u muuqda mid dabada la galay deegaanka Shiirkole oo beeshiisa ku badan tahay si uu gabaad uga dhigto gurmadna u helo hadii ciidamada dowlada weerar kusoo qaadaan.

Dowlada Soomaaliya ayaana xalay shaacisay in aysan duulaan ku aheyn Saadaq Joon iyo xaafada Shiirkole, waxa uuna sheegay Wasiirka Amniga in warka duulaanka ay yihiin kuwa ay abuurayaan siyaasiyiin uu sheegay in dano gaar ah leeyihiin.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleFarmaajo iyo Beesha Caalamka oo kulan ugu socdo Xerada Afisyooni
Next articleMaxaa ka Jira in Madaxweyne Qoor Qoor uu Shirqooley Saadaq Joon