Home Wararka Somaliya Farmaajo iyo Beesha Caalamka oo kulan ugu socdo Xerada Afisyooni

Farmaajo iyo Beesha Caalamka oo kulan ugu socdo Xerada Afisyooni

0

Waxaa xerada ciidamada Cirka ee Afisiyooni ka socda shir xasaasi ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Farmaajo iyo qaar kamid ah Wakiilada Beesha caalamka ee xaruntooda tahay Xalane.

Kulanka labada dhinac u socda oo ah mid albaabada u xiran yihiin horeyna aan loo sii shaacin ayaa looga hadlayaa mudo kordhinta ay Xildhibaanada golaha shacabka u sameeyeen dowlada iyo walaaca arintaasi ka qabto beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ayaana si adag uga soo horjeesatay go’aanka Xildhibaanada golaha shacabka waqtiga ugu kordhiyeen Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee Dowlada, waxa ayna beesha caalamka sheegeen in aysan taageeri doonin mudo kordhin .

Qaar kamid ah Wadamada sida weyn saameynta ugu leh Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda mudo kordhinta Farmaajo loo sameeyay, waxa ayna dowladahaasi qaarkood ku hanjabeen in xiriirka jari doonaan sidoo kale qaadi doonaan talaabooyin kale aysan shaacin.

Ad
Previous articleDhageyso Waa sidee Xaafada Shiirkole ee Degmada Hodan
Next articleSawiro: Taliye Saadaq Joon oo Dhufeesyo Ciidan ka sameestay Xaafadaha Shirkoole

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here