Home Wararka Somaliya Sawiro:- Maamulka Degmada Gaalkacyo oo bur-buriyay Goobo lagu keedin jiray Qamriga iyo...

Sawiro:- Maamulka Degmada Gaalkacyo oo bur-buriyay Goobo lagu keedin jiray Qamriga iyo Maandooriyaha

0
Iyadoo Maalintii Lixaad Maamulka Dagmada Galkacyo Ee Galmudug Uu Wado Howlgalo Lagu Bur Burinayo Dhismayaasha Sharci Darada Ee Ku Yaala Wadooyinka Suuqa Weyn Ee Magaalada Galkacyo Ayaa Waxaa Maanta Waxaa Ka Mid Ahaa Gobihii Sharci Darada Ahaa Ee La Bur Buriyay Dukaamo Ay Ku Keydsanayeen Qamri Iyo Walxo Kale Oo Maanka Dooriya.
Waxaana Ciidanka Booliiska Dagmada Oo Maamulka Ka Gacan Siinayay Howlgalada Ay Xabsiga U Taxaabeen Shaqsiyaadkii Ka Ganacsanayay Maandooriyayaasha.
Mustaf Maxamed Shaare Oo Ka Mid Ahaa Howlwadeenadii Dowlada Hoose Ee Maanta U Xilsaarnaa Howlgalada Bur Butrinta Dhismayaasha Sharci Darada Ah Ayaana Warbaahinta Qaranka Uga Warbixiyay Hiowlgalkii Maanta Lagu Bur Buriyay Goobaha Gnacsiga Qamriga Iyo Muqaadaraadka Isagoo Dhanka Kalana Sheegay Howlgalada Bur Burinta Dhismayaasha Sharci Daradaa In Ay Qeyb Ka Ahaayeen Balanwqaadyadii Maamulka Dagmada Galkacyo Xiligii Olalaha Doorashada.
Howlgalada Bur Burinta Dhismayaasha Sharci Daradaa Oo Galay Maalintii Lixaad Ayaa U Muuqda Kuwa Ay Bulshjadu Si Weyn Usoo Dhaweeynayaan Maadaama Aysan Jirin Wax Caqabad Ah Oo Maamulka Ay Kala Kulmeen Intii Ay Socdeen.
Ad
Previous articlePuntland oo war kasoo saartay Go’anka Cusub ee Dowlada in Shirka Garoowe lagu qabto
Next articleMaxay tahay sababta uu RW Rooble uga baxay Shirkii Golaha Wasiirada ee maanta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here