Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug Omar Guure oo ay wehliyaan Agaasimaha wasaarada Arrimaha Gudaha, xubna kasocday wasaarada Howlaha Guud Iyo Gudoomiyaha iyo G. Kuxigeenka Degmada Hobyo ayaa Maanta xarig Jaray Xarunta Dhallinyarada Degmada Hobyo oo Halkaas laga hirgaliyay.
Xaruntaan ayaa iskugu jirta Garoon ciyaaraha lagu ciyaaro, xarun xirfadaha lagu Barto iyo Qayb lagu kaydiyo Kaluunka ay dhallinyardu soo dabtaan Ayaa waxaa Hirgaliyay Dowlada Galmudug oo kaa Shanayso Hay’ado Caalami ah.
Dhallinyarada Degmada ayaa aad usoo dhaweeyay Xaruntaan waxayna sheegeen inay Diyaar u yihiin inay ka faa’idaystaan waxayna u mahad celiyeen Dowlada Galmudug oo shaqadaan ka fulisay Deegaanka.
Ad