Home Wararka Maanta Sawiro:- Ciidanka Galmudug iyo kuwa DFS oo dilay Shabaabka Xalay Hoobiyaasha ku...

Sawiro:- Ciidanka Galmudug iyo kuwa DFS oo dilay Shabaabka Xalay Hoobiyaasha ku soo tuuray Dhuusomareeb

0

Ciidamada milatariga dowlada federaalka Soomaaliya iyo Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in duleedka magaalada Dhuusomareeb ku dileen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo la sheegay in xalay hoobiyaal ku weerareen magaalada Dhuusomareeb.

Milatariga Soomaaliya oo si deg deg ah ugu baxay goobta hoobiyaasha laga soo tuuray ayaa la sheegay in ay dileen sadex nin oo katirsanaa kooxda Al Shabaab ee weerarka hoobiyaasha ka dambeeyay halka mid kalana isaga oo dhaawac ah soo qabteen.

Saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad oo Warbaahinta kula hadlay duleedka Dhuusomareeb ayaa sheegay in ay dileen sadex  dagaalame uu ku jiro sargaal Al Shabaab u qaabilsanaa deegaanada u dhaxeeya Dhuusomareeb iyo Ceelbuur.

Ciidamada milatariga ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay mid kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab isaga oo dhaawac, waxa ayna ciidamada soo furteen afar qoray oo la sheegay in ay wateen ragii xalay hoobiyaasha ku weeraray magaalada Dhuusomareeb.

Al Shabaab ayaa xalay tiro hoobiyaal ah ku garaacday magaalada Dhuusomareeb ay ku joogaan Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha iyo qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleShirka Dhuusomareeb ka furmaya iyo Wararkii ugu danbeeyay ee Qaban qaabada Shirka
Next articleDeegaanka Kaxan-dhaale oo lagu dilay 3 Qof oo labo Walaalo tahay iyo Dad kale oo..