Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa maanta soo bandhigtay horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo usoo gacan-galay taliska NISA ee degmada Luuq oo ka tirsan gobolka Gedo.
Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa hay’addu waxa ay magaciisa ku sheegtay Abuukar Aadan Buulle, kaas oo laga qaaday wareysi ay baahisay warbaahinta dowladda.
Abuukar ayaa sheegay in Al-Shabaab uu ku biiray sanadkii 2015-kii, kadib markii ay ku tashkiiliyeen qaar kamid ah saaxibadiisa oo weli ka tirsan maleeshiyaadka kooxda.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu tababar ku qaaday tuulada Wargaduudo, uuna ka qayb-galay dagaallo kala duwan oo ka dhacay gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu wareysiga ku sheegay in uu soo noqday taliyihii amniga ee deegaanka Ceel Cadde, balse kadib loo bedalay qaybta waxa ay Al-Shabaab ugu yeeraan Fursaanta.
“Tababarka waxaa kusoo qaaday meel la yiraahdo Wargaduudo, kadib Ceel Cadde ayaa ka shaqeynayay muddo 3 sanno ah, sidoo kale waxaa muddo soo joogay taliyaha amniga ee Ceel Cadde” ayuu ku yiri wareysiga laga qaaday Horjooge Abuukar Aadan Buulle.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in uu isagu go’aansaday inuu isaga soo baxo Al-Shabaab, wuxuuna farriin u diray saaxibadiisii kale oo uu ugu baaqay inay ka faa’ideystaan cafiska ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u fudisay xubnaha isa soo dhiibaya.
Maalmihii u dmabeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab, kuwaas oo aad u kordhayay, waxaana sababta lagu sheegay culeyska ay wajaheyso kooxda oo ay dagaal culus ku qaaday dowladda dhexe oo kaashaneysa saaxibada caalamiga ah.