Home Wararka Maanta Maxaa lagu haystaa Hanti dhowraha Qaranka ee Maantay Maxkamada looga yeeray?

Maxaa lagu haystaa Hanti dhowraha Qaranka ee Maantay Maxkamada looga yeeray?

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u yeertay Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale oo loo haysto dambi culus, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha maxkamadda gobolka Saalax Cali Maxamuud.

Eedda loo soo jeediyay Guutaale ayaa ka timid Xeer-ilaalinta Qaranka, waxaana loo haystaa inuu ku xad-gudbay madax-banaanida garsoorka dalka, sida lagu caddeeyay bayaanka.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu ku kacay fal-dambiyeedyo ay kamid yihiin fulin la’aanta iyo is hortaag go’aan maxkamadeed iyo inuu is hortaag ku sameeyay bixinta kharashadka socod-siinta howlaha maxkamadaha iyo diiwan-gelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen.

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ayaa lagu amray inuu maxkamadda hortago maalinta berri ah, taariikhduna ay tahay 16/02/2025, si wax looga waydiiyo eedeymaha loo haysto.

“Haddaba Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay fareysaa Axmed Ciise Guutaale, kuna eedeysan qod. 254, 257 iyo 267 XCS, inuu hor yimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir maalinta Axadda ah oo ay taarkiihdu tahay 16/02/2025, saacadduna ay taay 10:00 subaxnimo, si wax looga waydiiyo uguna jawaabo eedaha uu kusoo eedeeyay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda Gobolka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Haddii aan ku horimaan wayso Maxkamadda mudada ay kuu qabatay waxay Maxkamaddu qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan”.

Go’aankan ayaa durbo dhaliyay hadal-heyn xooggan, wuxuuna bannaanka usoo saaray khilaaf cusub oo ka dhexeeya Hanti-dhowrka Qaranka iyo bahda garsoorka dalka.

Horay labada xafiis ayaa u qaaday tallaabooyin isla xisaabtan ah oo lagu soo xiray mas’uuliyiin dowladeed oo qaarkood lagu helay musuq-maasuq, laakiin hadda waxa ay ka dhex-tafatay saddexda xafiis ee kala ah, Hanto-dhowrka, Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda.

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa
Ad
Previous articleAlshabaab badan oo la laayay iyo kuwa kale oo nolosha kagu soo qabtay
Next articleSarkaal Sare oo ka Tirsanaa Alshabaab oo Gacanta Dowlada Soomaaliya