Home Wararka Somaliya Jubbaland Sarkaal Sare oo Ka tirsana Alshabaab oo Howlgal Lagu Soo Qabtay(Sawiro)

Sarkaal Sare oo Ka tirsana Alshabaab oo Howlgal Lagu Soo Qabtay(Sawiro)

0

Ciidanka Kumaandoska DANAB gàar ahaan Ururka 5aad Guutada 16aad ee Ciidanka XDS iyo Kuwa Nabad sugida Maamulka Jubbaland ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wada maalmahan deegaanada dhaca Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Deegaanadan oo kala ah Shabac, Gaawo Gabdhoodle, Beerxaani, Qudus Iyo Kaanjaroon oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Hawlgalku Intuu socday ayay ciidanka waxa u suuro gashay iney gacanta ku dhigaan sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsana Deegaanadan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Mukhtaar Magaciisa Afgarashadana lagu sheegay (Sakhraawi) sida ay sheegeen Saraakiisha ciidanka.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay iney howlgaladaas ku dileen afar dagaalyahan oo ilaalo u ahaa sarkaalka la qabtay.

Waxaa sidoo kale cagta la mariyay goobihii ay baadda shacabka uga qaadan jireen” ayuu yiri Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee kumaandoska DANAB Taliye Carab Dheeg Axmed.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh oo ku wajahan dhuusamareeb
Next articleXubno ka Tirsan Ciidamada NISA oo Daacad aha Farmaajo oo Xabsiga Lagu Guray(Xog)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here