Home Wararka Maanta Sarkaal Kale oo Ka Tirsanaa Dowlada oo Alshabaab la Shaqaynaayay oonMarkale Maantay...

Sarkaal Kale oo Ka Tirsanaa Dowlada oo Alshabaab la Shaqaynaayay oonMarkale Maantay Xukun lagu Riday

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad culus oo ka dhan ah Xidigle Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal oo ah Macallin tababare ah oo ka tirsan Kuliyadda Jaalla Siyaad ee Xoogga dalka.

Ninkan oo 63 sanno jir ah ayaa waxaa lagu helay inuu si hoose ula shaqeynayay Shabaab, sida ay shaacisay maxkamadda ciidamada oo soo bandhigay caddeymo dheeraad ah.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in ninkan uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare, laakiin xilligii diiwaan-gelinta ciidamada ee dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo loo helay xidig sax ah, waxaana cadaatay in inta kale uu iska saartay.

Sidoo kale waxay xeer ilaalintu intaasi ku dartay in arrintaas uu caro ka qaaday, kadibna uu sidaas ula la xertay kooxda Al-Shabaab oo uu haatan la shaqeynayay.

Intaasi kadib hay’adaha baarista amniga iyo xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa waxa ay ogaadeen in Xidigle Cabdicasiis Xuseen uu xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga tababarka uu la wadaago xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadeynta Xidigle Cabdicasiis Xuseen ayaa soo socotay tan iyo 22 kii January ee sanadkan 2023-ka, ayada oo ay maxkamaddu kiiskiisu ka yeelatay fadhiyo kala duwan

Ugu dambeyn maxkamadda Ciidamada oo go’aan kasoo saartay dhageysiga kiiskan ayaa Xidigle Cabdicasiis Xuseen Nuur Musral ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Ma’aha sarkaalkii ugu horreeyay ee la soo taago Maxkamadda Ciidamada, laguna helo Al-Shabaabnimo, waxaana ka horreeyay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) oo isna ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, balse lagu helay inuu la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab, kaas oo horay dil toogasho ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada.

Waxaa sidoo kale ka dambeeyay Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle (Ayaanle) oo Al-Shabaab qaraxyada usoo gelin jiray Muqdisho, kaas oo isna lagu xukumayo toogasho.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleCiidanka Israa’iil oo duqeyn ay dad ku dhinteen ka geystay Suuriya.
Next articleMD Xasan Shiikh oo Kulan Laqaatay Madaxweynaha Dalka Kenya Arimo Muhiim ahna Kala Hadlay(Sawiro)