Home Wararka Maanta Saraakiil Sar Sare oo Ka Tirsanaa Alshabaab oo Howlgal Lagu Dilay iyo...

Saraakiil Sar Sare oo Ka Tirsanaa Alshabaab oo Howlgal Lagu Dilay iyo Dowlada oo Ka Hadashay

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in ciidanka xoogga dalka iyo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay 15 Al-Shabaab ah ku dileen howl-gal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shabaabka lagu dilay howl-galkaan ayaa waxa ku jira laba horjooge, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“15-xubnood oo Khawaarij ah oo ay ku jiraan Labo horjooge ayaa lagu dilay howlgal wadajir ah oo ciidamada xoogga dalka, ciidanka Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Xawaadlay.”

Xubnaha la dilay waxaa ku jira horjooge magaciisa lagu soo koobay Farxaan, kaasi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Xawaadlay iyo Horjooge Ismaciil Ibraahim Xaaji Xuseen “Garweyne” horjoogihii deegaanka Jameeco.

Howl-galkaan ayaa daba socday howl-gal shalay ka dhacay isla deegaankaan oo lagu dilay 61 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sidoo kalana lagu burburiyay gaadiid Qaraxyo lagu soo xiray.

Waxay tani ay ka dhigaysaa khasaaraha kooxda Al-Shabaab gaaray labo maalmood gudahood 76.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa muddooyinkii dambe howl-galo qorsheysan ku beegsaneysay dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku dishay Shabaab badan, xili uu gobolada dalka ka socda dagaal ka dhan ah kooxda.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab ayaa waxa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Ad
Previous articleTaliye Biixi iyo Ciidamo Farabadan oo Gaaray Degmada Wisil Xili Galmudug Dagaal Qaadayso
Next articleCiidamada Booliska oo Muqdisho kusoo Bandhigay Laba Gacan Ku Dhiigle oo Mantay laba Qof oo Shacab ah Dilay(Sawiro)