Home Wararka Maanta Ciidamada Booliska oo Muqdisho kusoo Bandhigay Laba Gacan Ku Dhiigle oo Mantay...

Ciidamada Booliska oo Muqdisho kusoo Bandhigay Laba Gacan Ku Dhiigle oo Mantay laba Qof oo Shacab ah Dilay(Sawiro)

0

Ciidamada ammaanka ayaa soo bandhigay labadan shaqsi oo ku eedeysan dilka labo Muwaadin ay ku kala dileen degmooyinka Balcad Shabeelaha dhexe iyo Xamarweyne gobolka Banaadir.

Labadan eedeysane waxa ay ka simanyihiin goynta naf aan waxba ka galabsan iyo in ay u dileen 5 kun Shilling Soomaali bes, taas oo fajac iyo amakaak ku noqotay bulshada Soomaaliyeed.

Balcad dhawaan ayey aheyd markii dil kan la mid ah uu askari isbaaro taagan u geystay dawaral kaxeeya gawaarida loo yaqaanno BL-ka, taas oo muujineysa inaan wali wax xal ah laga gaarin isbaarooyinka dadka lagu dhibaateeyo ee yaallo inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar.

Ad
Previous articleSaraakiil Sar Sare oo Ka Tirsanaa Alshabaab oo Howlgal Lagu Dilay iyo Dowlada oo Ka Hadashay
Next articleKooxda TPLF oo wareejisay hubkii cuslaa oo ay labo sanno ku dagaalamayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here