Home Wararka Maanta Saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya oo Booqday deeegaanka Wisil ee Gobolka Mudug

Saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya oo Booqday deeegaanka Wisil ee Gobolka Mudug

0

Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jen. Maxamed Tahliil Biixi iyo saraakiil uu hoggaaminayay ayaa kormeer ku tagay Tuulada Dheghaye ee ka tirsan deeegaanka Wisil ee Gobolka Mudug, halkaasoo ka mid aheyd goobihii ciidank la wareegeen.

Jen. Biixi iyo Saraakiisha uu hoggaaminayay ayaa beeniyay sheegashada Al-Shabaab ee ah inay deegaanka la wareegeen, waxaana Taliyaha uu sheegay in ciidanka xoogga dalka aysan ka bixin deegaanka oo ay ku sugan yihiin.

Taliyaha ayaa socod ku maray gudaha deegaanka iyo duleedkeeda oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidanka xoogga dalka.

“Ma jirto in ciidanka ay ka baxeen Dheghaye, ciidanka waxaa farayaa inay xaqiijiyaan Amniga deegaanka, kana hortagaan Al-Shabaab”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Dhulka.

Deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa dagaalo culus ku dhex mareen Ciidanka Milateriga iyo Al-Shabaab.

Ad
Previous articleCiidamada amaanka Galmudug oo xalay Howlgallo xoogan ka sameeyay Galkacyo (Sawiro)
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Xildhibaanada Goballada waqooyi {Sawiro}