Home Wararka Maanta Sanaadiiqdii Loo Diyaariyay Doorashada Puntland oo la Dhacay

Sanaadiiqdii Loo Diyaariyay Doorashada Puntland oo la Dhacay

0

Wararka naga soo gaaraya gobollka Nugaal ayaa sheegaya in ciidamo hubeysan ay dhaceen qaar kamid ah sanaadiiqda cod-bixinta doorashada Puntland oo la filayo inay beri ka dhacdo deegaanada maamulkaasi.

Ciidamadan oo ka gadoodsan qaabka loo wado doorashada ayaa lagu soo warramaya inay waddada u galeen gaadiid sanaadiiqda u waday degmada Burtinle iyo hareeraheeda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan oo taageersan xubno kamida mucaaradka ay qabsadeen sanaadiiqda, isla-markaana ay la wareegeen kahor inta aan la geynin goobaha loo waday, si ay codadkooda ugu ridaan dadweynaha ka qaybgalaya doorashada degaanka.

Sidoo kale muuqaal ay soo duubeen ciidamada dhacay sanaadiiqda ayaa waxa ay ku sheegeen in syan aqbali doonin doorashooin boob ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Sarkaal u hadlay ciidamadan ayaa sidoo kale xusay inay ka tirsan yihiin ciidamada gaarka ee Danab, wuxuuna ku dooday inay u istaageen ka hortagga doorasho aan lagu wada qanacsaneyn oo ka dhacda Puntland, oo sababi karta rabshado iyo gacan ka hadal.

“Waxa aan u sheegeynaa Bulshada Reer Puntland innaga oo katirsan Ciidanka Kumaandooska Danab horayna uga soo horjeesanay doorashada lagu muransan yahay ee boobka ah ee qof iyo goriga ah ee ciidanka lagu gelinayo, waxaa caawa gacanta ku dhignay in badan oo kamid ah sanaadiiqdii Codbixiyaasha iyo warqadihii codbixiyaasha ee deegaanka burtinle & tuulooyinka hoos yimaada” ayuu yiri sarkaalka.

Dhanka kale, ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Puntland oo ku aadan dhacdadaasi, waxaana haatan ah xaaladdu ay tahay mid kacsan.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalada oo ka dhalatay muranka doorashooyinka qof codka ah ee maamulkaasi oo ay isku hayaan Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa la filayaa inay beri dhacdo doorashada, waxaana Booliska Puntland uu bandow kusoo rogay guud ahaan maamulkaasi.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGuriga Taliyaha Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada magaalada Garawe oo la weeraray
Next articleLarry André oo Dhaliil Culus u Jeediyay Madaxweyne Deni