Home Wararka Somaliya Galmudug Saldhigii ugu Waynaa Alshabaab ee Galmudug oo la Duqeeyey

Saldhigii ugu Waynaa Alshabaab ee Galmudug oo la Duqeeyey

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn culus oo xalay ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, taas oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa lasoo wariyay in lala eegtay saldhiggii ugu weynaa Al-Shabaab ee gobollaasi, kaas oo ku yaalla degmada Galhareeri.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntaasi lala beegsaday saldhigga Al-Shabaab, xilli ay ku sugnaayeen xubno badan.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi.

Galhareeri ayaa kamid ah magaalooyinka ay weli gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana kusii jeeda cidamada huwanta ee howlgallada ka wada Galmudug.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo deegaano badan looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab oo ay guluf xoogan ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in weerarkan dhanka cirka ah lagu dilay horjoogayaal sar sare iyo dagaalamayaal, balse ma shaacin tiradooda rasmiga ah.

Ad
Previous articleSida uu u dhacay dilka Imaamkan Soomaaliga ah ee meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaal Ingiriiska
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Israa’iil oo xoojisay duqeymaha ay ka waddo degmada Rafah ee koonfurta Marinka Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here