Home Wararka Somaliya Jubbaland Saldhig Ciidamada Kenya Daganyihiin oo weerar Culus lagu Qaaday Khasaaro Ka dhashay

Saldhig Ciidamada Kenya Daganyihiin oo weerar Culus lagu Qaaday Khasaaro Ka dhashay

0

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya weerar culus oo dagaal yahano Shabaab ah ay ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ku leeyihiin deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa intaas ku sii daraya in goobta uu ka dhacay dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo socday mudo ku dhow saacad, iyadoo dhawaqa rasaasta la is weydaarsanayay laga maqlayay qeybo kamid ah deegaanka kulbiyow.

 

Dadka deegaanka ayaa ku waramay iney jirto khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay dagaalka, iyadoo mararka qaarna la maqlayay qaraxyo u badnaa bambada gacanta laga tuuro.

Kooxda Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada ayaa shaacisay in dagaalka ay ku dishay sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya, majirto ilo madax banaan oo xaqiinin kara sheegashada kooxdan, iyadoo maamulka Jubaland iyo Kenya toona aysan wali ka hadal dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay

Ad
Previous articleNin cadaan ah oo wax ka Yar labasano siiyay Gabar keenyaan ah oo u shikansanyay siiyay $5.6 oo Dacwad lagu soo oogay
Next articleCiidamada Booliska iyo Nabad Sugida oo Ka Jawaabay Amaradii Farmaajo iyo Rooble

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here