Home Wararka Maanta “Salaadda kadib ayaa la ii sheegay in carruurtayda ay geeriyoodeen” aabbe caruurtiisa...

“Salaadda kadib ayaa la ii sheegay in carruurtayda ay geeriyoodeen” aabbe caruurtiisa uu hoobiye dilay

0

Hoobiyaal geystay dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka kusoo dhacay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyootay mid ka mid ah hoobiyeyaasha oo ku habsaday aroortii hore ee saaka guri ku yaalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Buulo Eelaay.

Qoys ka koobnaa 6 ruux ayaa waxaa dhintay aabaha reerka iyo labo caruur ah (hal gabar iyo hal wiil) halka 3 kale oo kala ah hooyada iyo labo caruur ahna ay ku dhaawacmeen hoobiyaha.

Macalin Aweys Maadey Muudey waxuu ahaa macalin dhiga dugsi Quraan isla markaana imaam ka ahaa masjid.

Sida uu BBC u sheegay marxuumka aabihiis, Maadey Muudey. “Masiiba rabaani ahaa igu dhacday, allaa mahad leh, ilaahey ayaa ii qoray, wiilkeyga macaan oo xaafidka ahaa oo caalimka ahaa oo ilma badan tacliinta baraayey ayaa iga geeriyooday,” ayuu yiri aabe Muudeey oo murug laga dareemayo.

Aabaha dhalay Macalin aweys ayaa BBC-da u sheegay in goorta ay madaafiicdu soo dhacayeen uu ku jiray salaadda subax, isla markii uu ka baxayna ay soo gaartey qaylo dhaan sheegaysa in aqalka wiilkiisa uu hoobiye ku dhacay.

“Markaan salaadda ka baxay wiil cararaya ayaa ii yimid wuxuu yiri, [wiilkaaga ilaah ha u naxariisto awlaadiisana qaaraa geeriyooday qaarna dhaawac waaye meesha ayey daadsan yihiin,] islaantiisana dhawac waaye,” ayuu yiri aabe Muudeey.

Ninka macalin dugsiga ah ayaa sida aabihiis wuxuu intaas raaciyey “jirkiisa si toos ah ayuu ugu dhacay oo burburiyey madfaca. “Xanuun… xanuun aan la sheegi karin ayaa saaka igu dhacay,” ayuu yiri aabe Muudeey oo oynaya.

Laba caruur ah iyo hooyada dhashay oo ka soo wada jeeda qoyska musiibadu ku habsatay ayey dadka ehelka ah iyo derisku goobta ka qaadeen isla markiiba, waxaana dhaawacooda la gaarsiiyey cusbitaalka. Marxuum Macalin Aweys iyo wiil iyo gabar uu dhalay ayaa iyagana meydkooda la soo saarayey goorta uu aabbe Muudey BBC-da la hadlayey.

Mustaf Maxamuud Kooshin oo deriska ka mid ah ayaa sheegay in uu ka mid ahaa dadkii u horeeyay ee goobta soo gaaray isla markaana uu la kulmay macalinka oo aan nuuxsanayn, “markaan u tagay ma nuuxnuuxsanayn, wejigay kaga dhacday,” ayuu yiri Mustaf.

Dhanka kale waxaa BBC la hadashay Xaliima Cabdi Xareed oo sheegtay in uu caruurta quraan u barayey, weliba uu iyada shalay quraan saaray maadama ay xanuunsan tahay sida ay noo sheegtay, “waan xanuunsanaa, shalay quraan buu isaaray, culimuu ii kenenay shalay, toddobo wadaabey quraan igu saareen, macalinkii ciyaalka Quraanka noo barayey buu ahaa, sheekhii xaafaddu ahaa ee masaajidka dadka ku tujiya, tafsiirka noo akhriya, macalin aad u wanaagsan buu ahaa,” ayey tiri Xaliimo.

Dhanka kale guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada degmada waaberi, Cali Cabdiqaadir Faarax oo asna BBC la hadlay ayaa sheegay in hoobiyaasha soo dhacay ay ahaayeen labo, mid ka mid ah “wax dhibaato ah ma geysan” halka kan kale uu yahay midka haleelay guriga macalin Aweys.

Booliska Soomaaliya ayaa iyagana hadal ka soo saaray weerarka hoobiyaha.

“Maanta oo ay Taariikhdu tahay 04-July-2023, abaaro 05:00-tii subaxnimo ayaa Kooxda Khawaarijta ah oo caadeysatay Dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed waxay soo tuureen Gantaalo macmal ah, waxaa ay ku dhaceen guryo ay dad shacab ah daganayeen oo ku yaala Deg/Waaberi. Falkaas Argagixsadu sameysay ayaa waxaa ku dhintay Aabe iyo labadiisa caruur ah waxaana ku dhaawacmay Hooyadii Qoyska & 2 Caruur ah oo ay dhaleen.

Waxaa ilaahay u waydiinaynaa inuu u naxariisto dadkii ku dhintay, caafiyana kuwa ku dhaawacmay.

Waxaa Ciidamada Amaanku gacanta kusoo dhigeen eedeysane la rumeysan yahay inu ku lug lahaa falkaas, waxaana socota baaris arrinta la xariirta” ayaa lagu sheegay hadalkaas booliska uu soo saaray.

Weli cidna ma sheegan in weerarkaas ay ku lug lahaayeen,

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleSOMALILAND: ”Xasan Sheekh wuxuu si cad u taageeray “argagixiso” nagusoo duushey!!”
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo kulan La Qaatay Shiikh Shariif iyo Madaxtooyada Oo War Kasoo Saartay