Home Wararka Maanta Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Maraykanka oo Sheegay inay Ka Go’antahay Hal Arin

Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Maraykanka oo Sheegay inay Ka Go’antahay Hal Arin

0

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa sheegay inay dawladda Maraykanka ka go’an tahay inay taageeraan dib usoo noolaynta Soomaaliya deggan, nabad ah, islamarkaana dimoqraadi ah.

Safiirka ayaa u sheegay idaacadda VOA in Maraykanku yahay deeq bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya ka gargaara dhinacyada bani’aadminnimada, amniga iyo horumarinta.

Danjire Larry André waxaa kale oo uu idaacadda VOA u sheegay in Maraykanka ay ka go’an tahay taageerista xorriyadda saxaafadda guud ahana caalamka. Waxa uu sheegay in suxufiyiinta oo la siiyo tababar, iyo in la difaaco xuquuqda hadalka ee Soomaaliya inay ka mid tahay waxyaabaha safka hore ku jira ee ay mudnaanta siinayaan.

Mareykanka waxay horey u qaadeen tallaabooyin ay ku qasbayaan in doorashada Soomaaliya loo soo geba-gebeeyey si deg deg ah.

Washington waxay ballaarisay liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee lagu soo rogay xayiraadaha dal-ku-galka (Visa), sababo la xiriria dib u dhaca mar kale ku yimid in lasoo geba-gebeeyo doorashada golaha shacabka.

“Kadib guul-darradii dowladda Soomaaliya ee aheyd inay kasoo baxdo waqtiga ay isku u qabsatay ee 15-ka March inay kusoo geba-gebeyso hanaanka doorashada baarlamanka, dowladda Mareykanka waxay ballaarineysaa liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee la saaray xayiraadaha Visa,” waxaa sidaas war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken.

“Waxaan qaadayaa tallaabadan aniga oo raacaya siyaasaddii aan ku dhawaaqay 8-dii Febraayo, ayada oo la raacayo Qeybta 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, si aan u xaddido bixinta Visa-ha ee kuwa la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama qeyb ka yihiin carqaladeynta hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Sidoo horeba, Blinken ma shaacin shaqsiyaadka cusub ee lagu daray liiska xayiraadaha. Waxaa la rumeysan yahay in shaqsiyaadkaas ay is ogaan doonaan kaliya marka ay dalbadaan Visa Mareykan ah.

Ad
Previous articleMaraykanka oo Turki Ka Dalbaday Gantaalo uu Ruushka Kasoo Gatay Ku Wareejiyo Ukrain
Next articleGo’aan Culus oo kasoo Baxay Shir ay Villa Soomaaliya Soo Qabanqaabisay oo Shalay Muqdisho ka Furmay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here