Home Wararka Maanta Safaarada Soomaaliya ee Turkiga oo Faahfaahin ka bixisay Dilka wiil Soomaali ah...

Safaarada Soomaaliya ee Turkiga oo Faahfaahin ka bixisay Dilka wiil Soomaali ah oo lagu dilay Dalkaass

0

Safaarada Soomaaliya ku leedahay magaalada Ankara ayaa ka hadashay wiil Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Izmir ee dalka Turkiga.

Wiilkan oo kasoo jeeda magaalada Burco magaciisana la odhan jiray Saddaam Cali Jaamac ayaa Muuqaal laga soo duubey Maydkiisa oo Baraha Bulshada ku faafay waxaa uu muujinaya dhaawacyo badan iyo qalliin dheer oo lagu sameeyay.

Ehelladiisa qaarkood ayaa sheegay inay dileen Booliska Turkigu, kadibna geeridiisa kadib xubnaha muhiimka ee jirkiisa ah lagala baxay.

Balse Booliska Turkiga ayaa ku dooday in wiilka ay Koronto ku dhegtay xilli uu ka baxsanayay saldhig uu ku xidhnaa, sida ay sheegeen, kadibna uu geeriyooday, inkastoo qalliinka lagu sameeyay jirkiisu uu tuhun badan keenay.

Ad
Previous articleTaalibaan oo War kulul Kasoo saartay Duqeyntii ka dhacday Kabul ee lagu dilay Ayman al-Zawahiri
Next articleCiidamada Booliska oo Muqdisho ku qabtay Tuugo si Xirfadaysan gaari u dhacday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here