Waxaa isa soo taraya hambalyada loo dirayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Dalalka iyo haatan hambalyada u diray waxaa kamid ah UK, Jabuuti iyo Itoobiya.
Dhinaca kale waxaa jiraa waddamo ilaa haatan aan ka hadlin natiijada doorashada madaxweynaha Soomaaliya waxaana kamid ah Turkiga, Qatar iyo Imaaraadka Carabta kuwaas oo saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu helay 214 cod, halka murashaxa la tartamayay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod.
Wadamada Qatar iyo Turki ayaa Aad u Taaageersanaa Madaxweynihii Laga Guulaystay ee Farmaajo, Halka Wadanka Imaaraadka Carabta uu kasoo Horjeeday Farmaajo .
Ad