Home Wararka Caalamka Sacuudiga Oo Soo Afjaray Heshiis Maraykanku kula Jireen 80 Sano

Sacuudiga Oo Soo Afjaray Heshiis Maraykanku kula Jireen 80 Sano

0

Heshiiskii shidaalka ee Sacuudiga iyo Mareykanka ee dhigayay in kaliya lacagta doollarka lagu iibsan karo shidaalka Sacuudiga ayaa dhacay , kaaso jiray muddo ku dhow 80 sanno, waxaana lagu sheegaya guusha ugu weyn ee dhaqaale iyo isha ugu weyn ee horumarisay doollarka Mareykanka, taasoo dalalka adduunka oo dhan ku qasbaysay inay shidaalka Sacuudiga ku iibsadan kaliya lacagta doollarka.

Markii u horreysay waxay warbaahinta ka hadlaysa surtagalnimada inuu Sacuudiga joojiyo inuu heshiiskan cusboonaysiiyo, si uu lacago kala duwan ugu iibin karo shidaalkiisa, tan oo fursad siinaysa lacagaha  ay ku jiraan lacagta Shiinaha RMB, Euros, Yen, iyo Yuan, halkii ay ku iibin lahaayeen doolarka Maraykanka. Intaa waxaa dheer, isticmaalka suurtagalka ah ee lacagaha dhijitaalka ah sida Bitcoin.

Laakin marka loo eego xiriirka labada dal iyo sida uu wali Sacuudiga u doonayo inuu ballaariyo iskaashigiisa Mareykanka, xilli dhawaan heshiis cusub ay labada dal oo difaaca ah saxiixayaan, waxaa jirta fursad weyn oo dib uu Sacuudiga ugu cusboonaysiin karo shidaalkiisa kaliya doollarka in lagu iibiyo, laakin hubaal Sacuudiga wuxuu la kulmi kara mustaqbalka caqabado, sida Shiinaha inuu mustaqbalka diiddi karo inuu doollar wax uga iibsado, laakin ma aha xata wax lagu degdegi karo inuu xilli dhow Shiinaha ka maarmi karo doolarka Mareykanka.

Ad
Previous articleDowladda Cuba oo ugu gacan sayrtay Warkii Maraykanka ee Duqaynta Ku laayay Dhaqaatiirtoodii Alshabaab u Afduubnaaa
Next articleMid kamid ah Ragii 5ta Milyan Ka Qaatay markabka MV Abdullah oo la Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here