Home Wararka Caalamka Sacuudiga oo Gargaar bini’aadannimo u diray Dalka Ukraine

Sacuudiga oo Gargaar bini’aadannimo u diray Dalka Ukraine

0

Sacuudi Carabiya ayaa u soo dirtay Ukraine gargaar bini’aadannimo qiimihiisu yahay 400 milyan oo doolar isla mar ahaantaana wuxuu soo jeediyay dhexdhexaadinta Ukraine iyo Ruushka.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman, oo ah hogaamiyaha dhabta ah ee dalka, ayaa sheegay Jimcihii mar uu khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyj in Sacuudi Carabiya ay diyaar u tahay inay bixiso dhammaan caawinta gacan ka geysan karta dejinta dagaalka.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in uu diyaar u yahay in uu u dhaqmo sidii dhexdhexaadiyaha dagaalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Toddobaadkan, Mareykanka ayaa si adag u dhaleeceeyay Sacuudi Carabiya inay gacan ka geysteen kordhinta qiimaha saliidda oo ay sidaas ku caawiyaan Ruushka. Hasa ahaate todobaadkan, Sacuudi Carabiya ayaa u codeysay qaraarka Qaramada Midoobay ee lagu cambaareeyay Ruushka oo ku biiray dhulalka Ukraine ee la haysto.

Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ukraine iyo Putin oo go’aan ku dhowaaqay
Next articleDalka Turkiga 22 Qof oo ku Dhimatay Halka 50 ay ku Xanibanyihiin Goob Dhuxusha laga qado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here